Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Jimco ah dib ugu soo laabtay…
23 October, 2026

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Jimco ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in la qorsheynayo wada-hadallo siyaasadeed oo lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.
Shirarkaan ayaa lafilayaa inay 4-ta Nofeembar Magaalada Muqdisho ku dhex mari doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland.
Kulamada la filayo ayaa diiradda lagu saari doonaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, gaar ahaan muranka dastuurka, hannaanka doorashooyinka 2027 iyo sidii heshiis looga gaari lahaa qaabka ay doorashooyinka dalka u dhacayaan.
Safarkaan ayaa ku soo aadaya xilli mucaaradku ay ku baaqayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wada-hadal la yeesho dhinacyada ka aragti duwan qorshaha doorashooyinka dowladda, iyagoo muujiyey suuragalnimada in dalka loo jiheeyo doorasho aan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay laga gaarin.
