Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaadday digniinaha safarada ee dalka Kenya, iyadoo soo saartay digniinta heerka…
20 October, 2026
Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaadday digniinaha safarada ee dalka Kenya, iyadoo soo saartay digniinta heerka 3aad oo muwaadiniinta Mareykanka kula talinaysa inay dib uga fiirsadaan safarrada ay ku tagayaan dalkaasi, sababo la xiriira khataraha caafimaad, dambiyada, afduubka, argagixisada, qalalaasaha amni iyo shilalka gaadiidka, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka.
Bayaan ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibadda ee Maraykanka Isniintii ayaa si gaar ah loogu xusay khatarta cudurka Ebola, iyadoo digniinta caafimaad ay timid xilli Kenya laga soo sheegay kiisas cudurka ah.
Digniinta ayaa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka kula talisay inaysan u safrin deegaanno gaar ah oo Kenya ka tirsan, gaar ahaan xaafadaha Eastleigh iyo Kibera ee Nairobi, iyo gobollada Garissa, Wajir, Mandera, Lamu iyo Tana River, marka laga reebo Tsavo National Park.
Weerarkii Kooxda Alshabaab ku qaadday Westgate Mall, Nairobi 2013 ayaa lagu dilay ugu yaraan 71 qof, oo ay ku jireen shan muwaadin Mareykan ah, iyadoo wixii intaasi ka dambeeyey Maraykanku kordhiyey ka fiirsiga ammaanka dalkaasi.
