Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa laba maalmood gudahood ku heshay in…
24 October, 2026
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa laba maalmood gudahood ku heshay in ka badan 1.5 milyan oo doollar oo loogu talagalay ololaheeda siyaasadeed, kaddib markii hay’adaha federaalka Mareykanka ay baaritaan ka sameeyeen gurigeeda ku yaalla magaalada Washington DC, sida uu baahiyay wargeyska The Washington Post.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Ilhaan Cumar ay 12-kii Oktoobar, oo ahayd maalintii baaritaanka gurigeeda la sameeyay, heshay qiyaastii $847,000, Maalintii xigtay, oo ahayd 13-kii Oktoobar, ayay heshay $665,000 oo kale, taas oo wadarta labada maalmood ka dhigaysa $1.512 milyan ayna taageerayaasheedu ugu talagaleen ololeheeda doorashada.
Lacagtan ayaa qayb ka ahayd ku dhowaad $1.9 milyan oo ay xildhibaanaddu urursatay labadii toddobaad ee ugu horreeyay bishii Oktoobar, sida lagu sheegay xogta Guddiga Doorashooyinka Federaalka Mareykanka. Tiradani waxay muujinaysaa lacagaha loo ururiyay ololaheeda siyaasadeed muddadaas, balse xogta la soo bandhigay si toos ah uma caddaynayso sababta ay deeq-bixiyayaashu lacagaha u bixiyeen.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay u baahan tahay taageero dhaqaale si ay isaga difaacdo caqabadaha sharci ee soo wajahay. Hadalkan ayaa imanaya xilli ay si weyn u kordheen deeqaha la siinayo ololaheeda siyaasadeed, gaar ahaan labadii maalmood ee ku xigay baaritaanka gurigeeda ee Washington DC, iyadoo Wargeyska The Washington Post uu sheegay in Ilhaan Cumar ay urursatay in ka badan $8 milyan oo doollar muddada wareegga ololaheeda doorasho ee labada sano ah.
