Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diidday racfaan ay soo gudbiyeen Khaalid Sheekh Maxamed iyo laba eedeysane…
20 October, 2026
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diidday racfaan ay soo gudbiyeen Khaalid Sheekh Maxamed iyo laba eedeysane oo kale oo ku xiran xabsiga Guantanamo Bay ee dalka Cuba, kuwaas oo ka hor yimid go’aankii lagu buriyey heshiiskii sharciyeed ee lala gaaray sannadkii 2024-kii, tallaabadaasi oo meesha ka saartay caqabadaha kale oo sharciyeed oo muddo dheer hakad gelisay kiiska la xiriira weerarradii 11-kii Sebtembar 2001.
Khilaafka ayaa salka ku haya go’aankii uu Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Mareykanka, Lloyd Austin, ku laalay heshiiskaas, iyadoo Qareennada eedeysanayaasha ayaa ku dooday in Austin uu ka daahay burinta heshiiska, hase yeeshee Maxkamadda Racfaanka ee Washington, DC Circuit, ayaa hore u diidday dooddaas, iyadoo caddeysay inuu awood u lahaa inuu qaado tallaabadaas.
Go’aanka cusub wuxuu u gogol xaarayaa in dacwadda eedeysanayaasha loo gudbiyo maxkamad milateri, kaddib in ka badan labaatan sano oo uu kiisku ku jiray muranno iyo dib-u-dhacyo sharciyeed, si Khaalid Sheekh Maxamed iyo eedaysanayaasha kale loogu maxkamadeeyo kiiska weerarradii lagu qaaday Mareykanka 11-kii Sebtembar 2001.
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay go’aanka Maxkamadda Sare, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim u ah xaqiijinta caddaaladda dhibanayaasha iyo qoysaskii ay saameeyeen weerarradaas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaraddaasi.
Explore more on these topics
