Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad uu soo bandhigay Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin…
21 October, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad uu soo bandhigay Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, taas oo Puntland iyo Somaliland ku muujinaysa dhulal ay Israel iyo Imaaraadka Carabtu u arkaan saaxiibbo muhiim u ah dalalkaasi.
Khariidadda oo la soo bandhigay intii lagu jiray kulan la xiriiray istaraatiijiyadda amniga Israel, waxaa warbaahintu sheegtay in sawirku ka tarjumayo qiimeyn ku saabsan isbahaysiyada gobolka, balse uusan caddaynayn heshiis rasmi ah oo Puntland la leedahay Israel marka laga yimaado Somaliland oo ay horay u aqoonsatay.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Puntland iyo Somaliland ay yihiin qaybo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabo kasta oo shisheeye oo lagu wiiqayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka ay u aragto mid aan la aqbali karin.
“Somaliland iyo Puntland waa qaybo muhiim ah oo aan laga saari karin dhulka qaranka Soomaaliyeed, iskuday kasta oo shisheeye nagu kala qaybinayaanna waa xadgudub toos ah oo aan la aqbali karin oo ka dhan ah mabaadi’da diblomaasiyadeed ee aasaasiga ah,” ayaa lagu yiri hadalka dowladda.
