Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland ayaa hawlgallo ay hubka sharci-darrada ah kaga ururinayaan magaalada Boosaaso ka bilaabay…
22 October, 2026

Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland ayaa hawlgallo ay hubka sharci-darrada ah kaga ururinayaan magaalada Boosaaso ka bilaabay Suuqa Cirtoogta, oo ku yaalla bartamaha suuqa weyn ee magaalada, isla markaana ka mid ah goobaha lagu iibiyo hubka.
Gelinkii dambe ee maanta ilaa caawa ayaa dowladdu ciidamo dheeraad ah geysey suuqa, kadib markii subaxnimadii hore ee saaka ay ciidamadu ka bilaabeen hawlgallo ay ku qaateen hub farabadan oo si sharci-darro ah loogu iibinayey suuqyada loo yaqaan Cir-toogtaha.
Dhanka kale, rasaas ay iswaydaarsadeen ciidamada dowladda iyo kooxo hubka iibinayey gelinkii hore ee maanta ayaa haleeshay gaadiid ay lahaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa aaggaasi, inkastoo aan werin wax khasaare ah oo ka dhashay tallaabadaasi.
Laamaha ammaanka Puntland ayaa hawlgallo noocaas ah horay uga bilaabay Magaalooyinka Qardho, Galkacyo iyo goobo kale iyadoo dowladdu sheegtay inaysan aqbali doonin in hub sharci-darro ah lagu iibiyo ama lagu dhex qaato Puntland,
