Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa sheegay in Puntland aysan qayb ka ahayn go’aannada…
25 October, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa sheegay in Puntland aysan qayb ka ahayn go’aannada siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya, isla markaana aan lagala tashan arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Cabdirisaaq ayaa xusay in Puntland ay muddo labaatan sano ah ka shaqaynaysay dhismaha Soomaaliya, balse uu hadda jiro tabasho ku saabsan sida loo maamulayo arrimaha ay Soomaalidu wadaagto.
Dhanka kalena, Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa sheegay in waxyaabihii ay Soomaalidu wada lahayd ay gacanta u galeen dhinac gaar ah, taas oo uu ku tilmaamay mid dhibaato ku ah qaybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.
“Waxaan caddaynaynaa in aanan qayb ka ahayn waxa ka socda Soomaaliya oo aanan talo ku darsan, labaatan sanno oo aan dhisaynay Soomaaliya, maanta wax kasta oo Soomaali ka dhexeeyey waxa qaatay cid gaara oo ku dhibaataynaya inta kale”, Ayuu yiri Guddoomiyaha barlamaanka Puntland.
