Ururka 49-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland ayaa digniin ka soo saaray warar uu ku tilmaamay…
24 October, 2026

Ururka 49-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland ayaa digniin ka soo saaray warar uu ku tilmaamay kuwo been abuur ah oo la xiriira amniga magaalada Boosaaso, kuwaas oo uu sheegay in lagu faafinayo sheegashooyin ku saabsan in qaar ka mid ah ciidanka ay galeen magaalada.
War-saxaafadeed ka soo baxay ururka Hanqar ayaa lagu sheegay in wararkaasi aysan waxba ka jirin, isaga oo shacabka ugu baaqay inaysan rumaysan wararka aan la xaqiijin ee laga faafinayo amniga magaalada Boosaaso.
Ururka 49-aad ayaa sidoo kale caddeeyay in ciidamadiisu ay ka mid yihiin ciidamada Daraawiishta Puntland, isla markaana ay ku jiraan safka ciidamada u taagan difaaca Dowladda Puntland. Wuxuu sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin inay gutaan waajibaadkooda amni, ayna ka qayb qaataan hawlaha lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida Puntland.
Ugu dambayn, ururku wuxuu bulshada ka codsaday inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la hubin, isla markaana ay ku dadaalaan xaqiijinta xogta ka hor inta aysan baahin, si aan loogu mari -habaabin arrimahaasi.

