Dowladda Puntland ayaa Liibaan Tahliil iyo Hooyo Xaliima ku wareejiyey Maxamed Liibaan Tahliil, oo muddo ku…
22 October, 2026

Dowladda Puntland ayaa Liibaan Tahliil iyo Hooyo Xaliima ku wareejiyey Maxamed Liibaan Tahliil, oo muddo ku xirnaa xabsiga dhexe ee gobolka Nugaal intii uu socdey garmaqalka kiiskiisa oo horay 7 ruux ugu geeriyoodeen kadib markii ay laba beelood isku qabsadeen cidda uu ka dhashay.
Tallaabadaan ayaa timid kaddib markii Maxkamadda Shareecada Islaamka ay go’aan ka soo saartay kiiska muranka dhaliyey ee ku saabsanaa nasabka iyo cidda xaqa u leh wiilka, kaas oo muddo ka dhex socday qoysaska isku haystay magaalada Gaalkacyo.
Wareejinta wiilka ee ay fulisay Ciidanka Asluubta Puntland ayaa daba socota go’aanka garsoorka, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay hirgelinta xukunka maxkamadda, waxaana goob joog ka ahaa goobta lagu wareejiyey guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee barlamaanka Puntland.
Go’aanka maxkamadda ayaa lagu caddeeyey in wiilka uu yahay Maxamed Liibaan Tahliil Xaaji Aadan, iyadoo la buriyey sheegashadii Faarax Cawil, waxaana kiiska oo muddo dheer soo jiitamayey uu dhaliyey xiisado iyo rabshado ka dhacay Gaalkacyo, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Explore more on these topics
