Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaabay abaabulka ciidamo la doonayo in dib loogu…
18 October, 2026
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaabay abaabulka ciidamo la doonayo in dib loogu qabsado degmooyin ka tirsan gobolka Baay oo ay gacanta ku hayaan ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Ciidamadaan ayaa la doonayaa in dib gacanta xukuumadda Aadan Madoobe dib loogu soo celiyo degmooyinka Qansaxdheere, Bardaale, Buurhakaba, Awdiinle iyo Diinsoor oo ay la wareegeen ciidamada taabacsan Laftagareen.
Wasiir hore Xasan Xuseen (Xasan Eelay) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Laftagareen iyo ciidamadiisu ay ku biireen kooxda Alshabaab isla markaana ay duullaan ku qaadi doonaan deegaamada ay haystaan oo uu sheegay inay galeen gacanta kooxaha nabaddiidka ah.
