Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya, Redwan Xuseen, ayaa sheegay in arrimaha amniga Badda Cas…
25 October, 2026

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya, Redwan Xuseen, ayaa sheegay in arrimaha amniga Badda Cas aan lagu koobi karin oo keliya dalalka xeebaha ku leh, sida Jabuuti, Soomaaliya iyo Eritrea, isaga oo tilmaamay in muhiimadda istaraatiijiga ah ee biyahaasi ay saameyn ku leedahay dalal badan oo gobolka iyo caalamkaba ah.
Redwan Xuseen ayaa sheegay in kheyraadka istaraatiijiga ah ee gobolka iyo goobta uu ku yaallo ay muddo dheer soo jiidanayeen faragelin iyo loollan ay ku jiraan quwadaha waaweyn ee caalamka iyo kuwa gobolka, xilli uu dalkiisu dedaal ugu jiro helitaanka marin-biyood caalami ah.
“Amniga Badda Cas looma deyn karo oo keliya ilaalinta dhowr dal oo xeebaha ku yaalla,Kheyraadka istaraatiijiga ah ee gobolka iyo muhiimadda goobta uu ku yaallo ayaa muddo dheer u nugleeyay saameyn dibadeed, maadaama quwadaha waaweyn ee caalamka iyo kuwa gobolkuba ay ku loollamayaan gacan ku hayntiisa”, Ayuu yiri Ridwaan.
Arrintaan ayaa muujinaysa mowqifka Itoobiya ee ku aaddan doorka ay doonayso inay ku yeelato arrimaha amniga Badda Cas, iyadoo Itoobiya aysan lahayn xeeb toos ah tan iyo markii Eritrea ay xornimada qaadatay 1993-kii, iyadoo ay jiraan doodo xasaasi ah oo ka bilowday mandaqadadda Bariga Africa.
