GALGALA: Ciidamada Difaaca Puntland ayaa diley labo kamid ah kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ee ku…
20 October, 2026

GALGALA: Ciidamada Difaaca Puntland ayaa diley labo kamid ah kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ee ku dhuumaalaysanayey Silsiladda buuraleeyda Calmadaw ee gobolka Bari, gaar ahaan agagaarka deegaanka Galgala.
Laamaha ammaanka Puntland ayaa xaqiijiyey in hawlgal qorshaysan oo ciidanku qaadeen ay ku toogteen labadaan xubnood oo maalinimadii shalay wadada gasha deegaanka Galgala ku aasay miino qaraxeedu sababay dhaawaca shan ruux oo ciidan u badnaa.
Labadaan xubnood ayaa ciidanku toogteen xilli ay isku deyayeen inay miino kale aasaan iyagoo gacanta ku dhigay dhammaan agabkii ay wateen, sida ka muuqata muuqaallo lagu baahiyey warbaahinta ciidamada oo xaqiijinaya guusha hawlgalkaasi qorshaysan.
Dhanka kalena, Ciidanka Difaaca Puntland ayaa duqaymo culus la beegsaday deegaamo katirsan Calmadaw, oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad argagixiso, sida ay sheegayaan ilo dhinaca amniga ah, iyadoo la beegsaday goobo ay Alshabaab ku lahaayeen saldhigyo, waana duqeyntii saddexaad ee toddobaadyo gudahood lagu beegsado goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka.
Explore more on these topics
