Wararka laga helayo deegaanno ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo ay ka…
23 October, 2026
Wararka laga helayo deegaanno ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo ay ka socdaan deegaanno hoos yimaada degmada Hudet, kuwaas oo la sheegay inay u dhexeeyaan dadka deegaanka iyo ciidamada Liyuu Booliska Oromada.
Dhanka kalena, degmada Mooyaale ayaa waxaa saaka ka socda dagaal u dhexeeya ciidamada Liyuu Booliska Oromada oo weerar dhawr jiho ah ku qaaday qaar kamid ah qoomiyadda Soomaalida ee kunool degmadaasi iyo deegaamada hoos yimada.
Warbixinnada warbaahinta caalamiga ah ayaa sidoo kale sheegaya in iska horimaadyada Mooyaale ay sababeen dhimasho iyo barakac, iyadoo boqolaal qof ay u gudbeen dhinaca Kenya si ay uga baxsadaan colaadda, mana jiro wax war ah oo ay dowladda federalka iyo midda maamulku ka soo saareen.
