Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa si adag u weeraray bulshada Soomaaliyeed, isaga oo su’aal geliyay jiritaanka…
16 October, 2026
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa si adag u weeraray bulshada Soomaaliyeed, isaga oo su’aal geliyay jiritaanka dowladnimada dalka, isla markaana Soomaalida ku eedeeyay inay ku lug leeyihiin burcad-badeednimada ka dhacda badaha.
Madaxweynaha Maraykanka oo suxufiyiinta su’aalo waydiiyeen ayaa muujiyey in dalkiisu uusan xilligaan dowladnimo ka sugayn siyaasiyiinta Soomaalida, “Dad ma aha, dowlad ma laha, dal ma laha, waa wuxuush isdhameeyey oo burcad ah.”
Dhanka kalena, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa weerar ku qaaday Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya xubinna ka ah aqalka sare ee dalka Maraykanka, isagoo sheegay inay katimid dal aan dowlad lahayn, siweynna uga horyimid aragtiyeheeda siyaasadeed.
“Waxa ay ka timi waddan aan jirin oo aan hoggaan lahayn, waxa keliya ee ay sameeyaan waa in ay is dilaan, maraakiibtana dhacaan”, Ayuu yiri Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
