Xubno katirsan xukuumadda Puntland ayaa sheegay inay horay uga quus dhigeen in doorasho heshiis lagu yahay…
16 October, 2026
Xubno katirsan xukuumadda Puntland ayaa sheegay inay horay uga quus dhigeen in doorasho heshiis lagu yahay ay ka qabsoonto Soomaaliya, kadib go’aankii shalay ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federal ee fadhigoodu yahay Muqdisho.
Wasiirka dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay inay Puntland u diyaarsan tahay martigelinta shirweyne lagu dhisayo dowlad Soomaaliyeed, aysanna ayna Madaxda Dowladda federalka ah u dayn doonaan Muqdisho.
“Xalku wuxuu yahay meeshii ammaan ah in dadku isugu yimaado, Puntland ayaa ammaan ah Soomaali haysugu timaaddo waa martigelinaynaa dowlad Soomaaliyeed ayaan dhisaynaa”, Ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta gudaha.
Explore more on these topics
