Muqdisho-Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga digay falalka daandaansiga iyo abaabulka la sheegay in lagu…
12 October, 2026
Muqdisho-Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga digay falalka daandaansiga iyo abaabulka la sheegay in lagu sameynayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, tallaabooyinkaasi oo carqaladaynaya dedaalada nabadda ee socda.
War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa lagu sheegay in madaxweynayaashii hore ee muddo-xileedkoodu dhammaaday ay tahay in dalka ku joogaan wadahadal iyo nabad, halkii laga abuuri lahaa xaalado horseedi kara xiisado siyaasadeed, iyadoo goluhu walaac xooggan ka muujiyey wararka sheegaya in la qorsheynayo tallaabooyin ka dhan ah xarumaha siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo xusay in arrimaha noocaas ahi ay dhaawici karaan hannaanka dimuqraadiyadda iyo amniga guud.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dowladda Federaalka uga digay cawaaqibka ka dhalan kara falalka daandaansiga iyo argagaxa gelinta, isaga oo ku adkeeyey Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud, inuu qaado mas’uuliyadda ka hortagga xaalad kasta oo horseedi karta isku dhac siyaasadeed iyo amni darro.
Ugu dambayn, Golaha ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday inuu joojiyo tallaabooyinka uu ku tilmaamay daandaansiga, si looga hortago isku dhacyo iyo khatar amni, loona abuuro jawi suuragelinaya in si nabad ah loo wajaho doorashooyinka dalka.

Explore more on these topics
