Dowladda Iran ayaa sheegtay in Maraykanku aqbalay qaar ka mid ah toddobada shuruudood ee ay Tehran…
12 October, 2026
Dowladda Iran ayaa sheegtay in Maraykanku aqbalay qaar ka mid ah toddobada shuruudood ee ay Tehran ku xirtay heshiis dib loogu furayo marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz, xilli xiisadda Bariga Dhexe ay weli taagan tahay, ayna sii kordhayaan dagaalada u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Yemen.
Mohsen Rezaei, oo ah sarkaal sare oo katirsan Milatariga Iran ayaa sheegay in jawaabta Maraykanku aysan ku filnayn dalabaadka Tehran, inkasta oo uu xusay in Washington ay aqbashay qaar ka mid ah shuruudaha Iran, taasi oo muujinaysa in heshiisku uusan gaarsiisnayn heerkii looga baahnaa kahor fulintiisa.
Waxaan hadalkaani imaanayaa xilli Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ay sheegeen in markab saddexaad oo shidaal qaada uu miino badeed kula kulmay marin-biyoodka Hormuz muddo 24 saacadood gudahood ah, inkasta oo aan weli la xaqiijin warbixintaas baaritaan madax-bannaan, dhacdadaasi oo sii kordhinaysa walaaca laga qabo amniga marin-biyoodka, waxayna caqabad ku noqon kartaa dadaallada dib loogu furayo isu-socodka maraakiibta.
Dhanka kalena, weerar cusub oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyadh, caasimadda Sacuudiga, ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca 11 kale, iyadoo maamulka Sacuudiga iyo isbahaysiga milatari ee uu hoggaamiyo ay Xuutiyiinta Yemen ku eedeeyeen weerarradaan khasaaraha xooggan geystey.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, ayaa sheegay in Tehran ay fududeyn karto wada-hadal u dhexeeya Riyadh iyo Xuutiyiinta Yemen, si xiisadda gobolka loogu beddelo dedaalo diblumaasiyadeed oo dhinaca nabadda u hiilinaya.
Explore more on these topics
