Hay’adda daryeelka carruurta iyo qoysaska ee Ireland ee Tusla, ayaa booliska dalkaas la wadaagtey walaac xooggan…
21 October, 2026

Hay’adda daryeelka carruurta iyo qoysaska ee Ireland ee Tusla, ayaa booliska dalkaas la wadaagtey walaac xooggan oo ay ka qabto 22 carruur Soomaali ah oo dalkaasi soo gaaray iyaga oo aan waalidkood ama qoyskoodu la socon, kuwaas oo halis ugu jira tahriibin iyo ka-ganacsiga dadka, sida uu Talaadadii baahiyay wargeyska The Irish Examiner.
Xog ay Tusla siisay wargeyska ayaa muujinaysa in hay’addu sannadkan walaac la xiriira ka-ganacsiga dadka ka muujisay xaaladda 35 carruur ah oo Ireland yimid, waxaana ay arrintaani ka dhigan tahay in Soomaalidu tahay qoomiyadda ugu badan ee kiisaskaan lagu tuhmayo iyaga oo gaaraya ku dhawaad saddex-meelood laba meel tirada guud ee carruurta laga muujiyay shakigaas.
Xogtu ma caddayn in dhammaan 22-ka carruurta Soomaalida ah si rasmi ah loo xaqiijiyay inay dhibanayaal u yihiin ka-ganacsiga dadka. Wargelinta booliska loo gudbiyay waxay ku salaysan tahay tuhun iyo walaac ay hay’addu qabto, waxaana weli muhiim ah in la kala saaro kiisaska laga shakisan yahay iyo kuwa baaritaan lagu xaqiijiyo.
Tirakoobkaan ayaa waxaa sidoo kale ka soo muuqday carruur u dhashay Afgaanistaan, halka Vietnam, Ereteriya iyo Gambia ay midkiiba ka yimaadeen laba carruur ah. Waxaa sidoo kale liiska ku jira hal ilmo oo Guinea u dhashay iyo mid kale oo Pakistan ka yimid. Kiisaskan ayaa muujinaya walaaca la xiriira badbaadada carruurta dalka yimaada iyaga oo aan qoysaskoodu wehelin, inkasta oo aan xogta la shaaciyay lagu xaqiijin karin in dhammaantood ay la kulmeen ka-ganacsi dad.
