Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si wadajir ah looga hortago qorshe ay ku…
17 October, 2026
Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si wadajir ah looga hortago qorshe ay ku tilmaantay doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ay qaaddeen Madaxda Dowladda federalka ah ee Somalia, kadib markii 15 bishaan lagu dhawaaqay jadwalka doorashada dalka.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Muqdisho ku dhiirrigeliyay inay ka horyimaadaan dowladda Federaalka, waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in la-dagaallanka dowladda hadda jirta uu leeyahay ajar iyo xasanaad, sida uu hadalka u dhigay.
Lugatoor ayaa xusay in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuldarreysto qabashada doorasho heshiis lagu yahay, Puntland ay arrintaas ka yeelan doonto go’aan u gaar ah, ayna dhawaan go’aamo adag ku dhawaaqi doonto, sida uu hadalka u dhigay.
Explore more on these topics
