Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda furitaanka kal-fadhiga 59aad ee barlamaanka…
25 October, 2026
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda furitaanka kal-fadhiga 59aad ee barlamaanka ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, khilaafka doorashooyinka, waxka-beddelka dastuurka iyo mowqifka Puntland ee ku aaddan dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed.
Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay xaalad uu ku tilmaamay mid halis ku ah dowladnimada dalka, isaga oo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ka leexatay heshiisyadii lagu dhisay nidaamka federaalka, isagoo xusay in Puntland ay muddo dheer dadaal ugu jirtay dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo federaal ah, taas oo uu sheegay in ujeeddadeedu ahayd in dalka laga hirgeliyo xasillooni iyo nidaam dowladeed oo dhammaystiran.
“Dowladda Puntland waxay marwalba u taagan tahay dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed oo federal ah wadadaas oo aan ku bixinay dedaal nooc kasta ah si loo gaaro xasilooni iyo nidaamo dowladnimo oo dhammaystiran, waxaan aad uga xumahay in maanta dalku uu galay xaalad halis ku ah dowladnimada Soomaaliyeed ee muddada dheer laga soo shaqaynayey”, Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in meesha laga saaray heshiisyadii siyaasadeed ee ay Soomaalidu hore ugu heshiisay, oo uu ku jiro Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu diiday qabashada doorasho heshiis lagu yahay, isla markaana uu caqabad ku noqday wadahadallada lagu xallin lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, awooddii dowladnimadana lagu dhibaataynayo bulshada Soomaaliyeed.
“Waxaa meesha ka baxay waxkasta oo heshiis lagu ahaa oo uu ugu dambeeyey dastuurkii kumeel gaarka ahaa ee 20212, Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu diidey inuu dalka ka qabto doorasho heshiis lagu wada yahay isagoo markasta ka shaqaynayey inuu fashiliyo wadahadal-kasta, xaaladda dalku waxay gaartey in Mas’uuliyiintii u soo shaqeeyey dalka lagu weeraro drones, in xasilooni darro laga abuuro deegaano deggan, in ciidamadii lagu dhisay dhaqaalaha iyo magaca Soomaaliyeed loo adeegsado burburinta dalka iyo boobka hantidada dadka iyo dalka Soomaaliyeed”, Ayuu markale yiri Madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa intaasi ku daray inaysan dowladda Puntland raali ka ahayn waxa uu ugu yeeray doorasho u gaar ah Villa Somalia, isagoo ugu yeeray dhammaan umadda Soomaaliyeed in laysugu yimaado shirweyne lagu badbaadinayo dowladnimada Somalia, isagoo shaaciyey inaysan dowladda Puntland qaadan doonin go’aamo aan u qalmin shacabkeeda.
“Dhammaan tallaabooyinkaasi waxaa mas’uuliyaddooda qaadaya Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo ciddii kala shaqaysay, Dowladda Puntland waxay la wadaagaysaa umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inaysan raali ka ahayn damaca gurracan iyo nooca doorasho ee isaga u gaarka ah ee uu ku dhawaaqay Xasan Sheekh oo halis ku ah jiritaanka jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya, sidaasi darteed Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dadka Soomaaliyeed ee turaaluhu kaga jiro dalka inay dhaqso laysugu yimaado shir lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliyeed, anigoo si buuxda u garawsan dareenka shacabka Puntland waxaan idiin ballanqaadayaa inaanan qaadan doonin go’aamo aan idiin qalmin”, Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Explore more on these topics
