Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in taageerada dadka Soomaaliyeed ee ku nool Mooyaale ay waajib…
25 October, 2026

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in taageerada dadka Soomaaliyeed ee ku nool Mooyaale ay waajib ku tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab istaagga dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Garaad Jaamac ayaa adkeeyey midnimada, walaaltinimada iyo iskaashiga bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan marka ay jiraan duruufo u baahan in dadka la garab istaago, isagoo muujiyey in xiriirka ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed uusan ku koobnayn xuduudaha deegaannada ay ku nool yihiin, balse ay muhiim tahay in la muujiyo isku duubni iyo taageero loo fidiyo dadka Soomaaliyeed ee u baahan garab istaag.
“Taageerada dadka Soomaaliyeed ee Mooyaale waa ku waajib dhamaan umada Soomaaliyeed; Geed iyo Guri midna inama dheera”, Ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.
Degmada Mooyaale ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka socdey dadka deegaanka iyo ciidamada qoomiyadda Oromada Itoobiya oo diiddan in calanka Soomaalida laga taago degmadaasi iyo tuulooyinka hoos yimaada.
