Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo gelinkii dambe ee shalay ka soo laabtay dalka dibaddiisa…
24 October, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo gelinkii dambe ee shalay ka soo laabtay dalka dibaddiisa ayaa maalinimada berri ah daahfuraya kal-fadhiga 59-aad ee golaha wakiilada Puntland oo uu ka jeedin doono khudbad dastuuri ah.
Khudbaddiisa Furitaanka kal-fadhiga ayaa lafilayaa in Madaxweyne Deni diiradda ku saaro xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, go’aamada Puntland ee ku aadan doorashooyinka dalka, jadwalkii doorasho ee ay shaaciyeen guddiga doorashada heer federal, waxqabadka xukuumaddiisa, hawlgalladii xukuumaddu ku qaadday ciidamadii heer federal ee ku sugnaa Puntland, arrimaha ammaanka gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, burcad-badeedda, ururinta hubka sharci-darrada ah iyo qodobo kale.
Shacabka Puntland ayaa siweyn u hadal haya go’aanka barlamaanka Puntland ee ku aaddan inay Madaxweynaha kal-fadhigaan dhexdiisa wax kaga waydiiyaan arrimaha gudaha Puntland gaar ahaan dhaqaala yarida, mushahar la’aanta shaqaalaha, xiriirka Madaxtooyadu la leedahay Israa’iil, Somaliland, Imaaraadka Carabta iyo qoraalkii Madaxtooyadu u gudbisey golaha ammaanka Qaramada Midoobey.
Explore more on these topics
