Taliye ku-xigeenka Ciidanka booliska Puntland, saraakiil katirsan ciidamada Puntland, maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo…
18 October, 2026

Taliye ku-xigeenka Ciidanka booliska Puntland, saraakiil katirsan ciidamada Puntland, maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qaybgalay kulan looga hadlay xaaladda ammaan ee Magaalada Qardho oo ay Khamiistii ka dhacday shaqaaqo dhimasho sababtay.
Shirka ayaa muddadii uu socdey si gaar ah diiradda loogu saaray shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Qardho, iyadoo saraakiisha iyo masuuliyiinta amnigu ay bulshada ku boorriyeen ilaalinta nabadgelyada, wada-shaqaynta ciidamada amniga iyo u hoggaansanaanta awaamiirta la xiriirta amniga.
Mas’uuliyiinta ka socdey dowladda ayaa sheegay inay sii socon doonaan hawlgallada ammaanka gobolka Karkaar lagu xaqiijinayo iyadoo laamaha ammaanka amar lagu siiyey in iyagoo ilaalinaya shuruucda iyo akhlaaqiyaadka ciidamada ay beegsadaan cidkasta oo loo arko inay ammaanka liddi ku tahay gaar ahaan dadka wata hubka sharci darrada ah, kooxaha burcadda ah, dadka adeegsada maandooriyaha, jarista dhirta iyo cid walba oo ammaanka khalkhalgelinaysa.
Waxay ugu baaqeen shacabka inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka iyagoo digniin u diray shaqsiyaad ay sheegeen inay ku hawlan yihiin kicin dadweyne iyo kuwa burbur gaarsiiyey laamiyada iyo xarumaha danta guud ee Magaalada Qardho.
Explore more on these topics
