Garoowe – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa magaalada Garoowe ka daahfuray kulan…
13 October, 2026

Garoowe – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa magaalada Garoowe ka daahfuray kulan loogu qareemayo dadka naafada ah ee ku nool Puntland, kaas oo ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, ururrada dadka naafada ah, bulshada rayidka ah, bahwadaagta ka shaqaysa arrimaha naafada iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha ayaa carrabaabay muhiimadda ay leedahay in dadka naafada ah la siiyo xuquuqdooda, isla markaana la abuuro fursado ay si buuxda uga qaybqaataan arrimaha bulshada, loona baahan yahay in la tixgeliyo baahiyahooda, lana xaqiijiyo in aanay la kulmin takoor ama caqabado ka hor istaaga helitaanka adeegyada aasaasiga ah.
Guddoomiyaha ayaa muujiyey sida ay lagama maarmaanka u tahay in la xoojiyo wada-shaqaynta hay’adaha dowladda, ururrada dadka naafada ah iyo bahwadaagta kale, si wax looga qabto caqabadaha ka jira helitaanka waxbarashada, caafimaadka, shaqada iyo ka qaybgalka arrimaha bulshada.
Ugu dambayntiina guddoomiyaha ayaa xoojiyey doorka ay hay’adaha dowladdu leeyihiin u qareemidda dadka naafada ah, ilaalinta xuquuqdooda iyo dhiirrigelinta qorshayaal wax ka qabanaya baahiyahooda, iyadoo dhammaan dhinacyadu isku raaceen in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay helaan shuruuc iyo siyaasado lagu ilaalinayo doorkooda ka qaybgalka adeegyada bulshada.
