Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Puntland, Jubbaland iyo xildhibaano…
19 October, 2026

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Puntland, Jubbaland iyo xildhibaano heer federaal ah ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda kulan xasaasi ah ku yeeshaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Kulamada ayaa looga arrinsan doonaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka dhashay jadwalka doorashooyinka heer federaal ee uu dhawaan ku dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo lagu muddeeyey doorashada labada aqal ee barlamaanka iyo Madaxtooyada Somalia.
Golaha Mustaqbalka ayaa ka arrinsan doona tallaabooyinka ay ka qaadi doonaan qorshaha doorashooyinka ee dowladda Federaalka, kaas oo ay hore u diideen, iyagoo ku doodaya inaan lagu salayn heshiis siyaasadeed oo ay dhinacyadu wada gaareen.
Warar hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ay suuragal tahay inuu ka baaqsado shirka isagoo u diri doona guddi heer sare ah oo Madaxtooyada matali doona.
