Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka hadlay dagaalkii ay…
17 October, 2026

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka hadlay dagaalkii ay ciidanka taabacsan kula wareegeen degmooyin iyo deegaamo katirsan gobolka Baay oo intiisa badan ka sii baxaya gacanta maamulka Madaxweyne Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Laftagareen ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Ciidanka Xaq-u-dirirka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed ay hawlgallo ka sameeyeen magaalada Baydhabo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo lagu xoojinayo amniga laguna soo celinayo xasilloonida.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada taabacsan Laftagareen ay dib ula wareegeen degmooyinka Qansax-dheere, Diinsoor, Berdaale iyo deegaanka Awdiile iyadoo aan dhiig ku daadan, halka ay dagaal ku qabsadeen degmada Buurhakaba oo ay dagaal kula galeen ciidamo taabacsan xukuumadda Madaxweyne Aadan Madoobe.

Explore more on these topics
