Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dhisme dabaqyo badan ka kooban oo Jimcihii, 23-kii Oktoobar…
24 October, 2026
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dhisme dabaqyo badan ka kooban oo Jimcihii, 23-kii Oktoobar 2026, ku dumay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi, Kenya, iyadoo kooxaha gurmadku ay baadi-goobayaan dad la rumeysan yahay inay ku hoos jiraan burburka dhismaha.
Dhismaha ayaa ku yaallay agagaarka Yusuf Haji Avenue, waddada 9-aad ee xaafadda Eastleigh, oo ka mid ah goobaha ganacsi ee mashquulka badan ee Nairobi, ayaa burburkeedu dhacay xilli ay dhismaha ka socdeen shaqooyin dhisme, halka qaybihiisa hoose ay ku yaalleen dukaamo iyo goobo ganacsi oo ay dad ku sugnaayeen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa sheegay in 67 shaqaale ah ay ku sugnaayeen qaybta sare ee dhismaha markii uu dumayay, kuwaas oo 66 ka mid ahi ay si nabad ah uga baxeen, halka hal qof uu dhaawacmay, iyadoo ay jiraan in ka badan 11 ruux oo aan weli la helin.
Warbaahinta gudaha Kenya iyo caalamka ayaa weriyey in burburka shubka iyo biraha ay adkeeyeen in la gaaro qaybaha hoose, halka dhismayaasha deriska la ah ay xaddidayeen dhaqdhaqaaqa shaqaalaha gurmadka, iyadoo aysan weli dowladdu shaacin in hawlgalku soo dhammaaday.
Dhismaha dumey ayaa la sheegay in la diiwaangeliyay 30-kii Luulyo 2025, hase yeeshee weli si cad looma xaqiijin in la sameeyay kormeerkii badbaadada ee looga baahnaa ama in dhismuhu haystay dhammaan shahaadooyinka lagama maarmaanka u ah isticmaalka.
Guddoomiyaha magaalada Nairobi, Johnson Sakaja, ayaa lagu soo warramay inuu sheegay in dhismuhu haystay oggolaanshaha dhismaha, balse aanu lahayn shahaadada oggolaanshaha isticmaalka (occupancy certificate), taasi oo dhalisay su’aalo ku saabsan sida qaybaha hoose ee dhismaha loogu isticmaali karay ganacsi iyadoo aan la xaqiijin dhammaan shuruudaha badbaadada.
Wasiir Murkomen ayaa sheegay in baaritaan lagu samaynayo dhacdada, iyadoo la doonayo in la ogaado sababta dhismuhu u dumay iyo cidda ay saaran tahay masuuliyadda, si loo xaqiijiyo in la raacay shuruudaha dhismaha, in kormeer ku filan la sameeyay iyo in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo lagu helo inay jebisay xeerarka badbaadada.
