Dowladda Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku qaabishay 51 qof oo ka soo…
21 October, 2026

Dowladda Puntland ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku qaabishay 51 qof oo ka soo baxay dalka Yemen, kuwaas oo isugu jira muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaasi ku noolaa iyo qaxooti u dhashay Yemen oo ka soo cararay colaadaha ka jira qaybo ka mid ah dalkaas.
Qoysaskaan ayaa waxaa dekedda Magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha qaxootiga iyo socdaalka, iyadoo gudbiyey xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha ee magaalada Boosaaso. Halkaas ayaa loogu samayn doonaa diiwaangelin rasmi ah, waxaana lagu qiimayn doonaa xaaladdooda iyo baahiyaha ay qabaan si loo go’aamiyo taageerada ku habboon ee la gaarsiin karo.
Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay soo dhaweynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkooda dib ugu soo laabanaya, isla markaana ay taageero u fidinayso qaxootiga Yemeniyiinta ah ee soo gaara deegaannadeeda.
Qoysaskaan ka soo cararay colaadda dalka Yemen ee soo gaarey deegaamada Puntland ayaa ku soo aadaya xilli ay jiraan dad Soomaaliyeed oo ku noolaa Yemen iyo qoysas kale oo ay colaadaha dalkaasi ku qasbeen inay ka raadsadaan meel ka ammaan badan.

Explore more on these topics
