Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS), oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka siyaasadeed ee Muqdisho iyo maamullada Puntland…
20 October, 2026
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS), oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka siyaasadeed ee Muqdisho iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal dhab ah oo lagu gaaro heshiis doorasho iyo jadwal macquul ah oo la hirgelin karo.
War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha ayaa loogu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ku tilmaameen madaxweyne waqtigiisu dhammaaday, inuu joojiyo tallaabooyinka hal dhinac ah, kuna soo laabto miiska wadahadalka si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Goluhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay heshiis loo dhan yahay oo lagu gaaro doorashooyinka, isaga oo ka digay in tallaabooyinka aan heshiiska lagu ahayn ay sii adkeyn karaan khilaafka siyaasadeed, isla markaana ay wiiqi karaan kalsoonida dhinacyada siyaasadda.
“Waxaan diyaar u nahay wadahadal dhab ah oo lagu gaadho heshiis doorasho iyo jadwal macquul ah oo la hirgelin karo. Goluhu wuxuu Madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday ugu baaqayaa inuu joojiya tallaabooyinka halka dhinac ah, kuna soo laabto miiska wadahadalka. Haddii uu ku adkaysto go’aankiisa, Goluhu wuxuu gaadi doonaa waddooyin kale oo dastuuri ah iyo kuwa siyaasadeed oo lagu ilaalinayo xaqa shacabka ee doorashada hoggaan sharciyad leh”, Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku adkaysto go’aankiisa, ay qaadi doonaan tallaabooyin kale oo dastuuri ah iyo kuwo siyaasadeed oo ay ku sheegeen in lagu ilaalinayo xaqa shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin doorashada hoggaan sharciyad leh. Golaha ayaa ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo saldhig u noqda doorasho lagu wada qanacsan yahay.


Explore more on these topics
