Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Goboleedka Hirshabeelle ayaa mar kale Cali Guudlaawe Xuseen u doortay Hoggaamiyaha maamulkaas,…
24 October, 2026

Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Goboleedka Hirshabeelle ayaa mar kale Cali Guudlaawe Xuseen u doortay Hoggaamiyaha maamulkaas, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar, iyadoo ay codka siiyeen 81 mudane oo katirsan barlamaanka maamulkaasi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, kuwaasi oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar.
Madaxweynaha ayaa hoggaanka cusub u rajeeyay guul iyo in ay si hufan uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda loo igmaday, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada ee deegaannada Hirshabeelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyey hannaanka doorasho ee lagu soo doortay hoggaanka cusub, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta dimuqraadiyeynta, dhismaha hay’adaha dowladnimada iyo ka-qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
