Maxkamad shareecada Islaamka ah oo ay Dowladda Puntland u xil-saartay kiiska wiil 16 sano jir ah…
20 October, 2026

Maxkamad shareecada Islaamka ah oo ay Dowladda Puntland u xil-saartay kiiska wiil 16 sano jir ah oo ay isku haysteen, khilaafkiisuna sababay dhimashada 7 ruux iyo dhaawac in ka badan 20 kale ayaa go’aan ka soo saartay isirka wiilkaasi iyo aabbaha dhalay.
Wiilkaan yar oo ay dhashay hooyo Xaliimo Yuusuf Maxamed ayaa waxaa muddo ka badan saddex sano isku haystey Libaan Xaaji Tahliil oo ay hooyadu sheegtay inay isguursadeen bishii 7aad ee sanadkii 2006 ayna kala tageen bishii 7aad 2010 iyo Faarax Cawil oo ay sheegtay inay isguursadeen bishii October 2010, iyadoo qareenada iyo darafyadu maxkamadda horkeeneen caddaymo, markhaantiyo iyo macluumaadyo ku saabsan guurka iyo dhalashada wiilka yar oo darafyadu ku qanceen inay la tagaan shareecada Islaamka.
Garmaqalka kiiskaan oo socdey muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa qaadiyaal ka ahaa Sheekh Axmed Daahir oo ah qaaddiga Magaalada Boosaaso, Sheekhul beledka degmada Galdogob ee Gobolka Mudug Sheekh Mahad Cabdullaahi iyo Sheekh Xasan Bookh oo ah Sheekhul beledka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Maxkamadda shareecada Islaamka oo ay goob joog ka ahaayeen xubno katirsan golayaasha dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Galkacyo, darafyada kiiska iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, sitoos ahna looga daawanayey warbaahinta ayaa 20-kii October 2026 si rasmi ah ugu dhawaaqday in la soo xiray kiiska iyadoo ku dhawaaqday in;
In nasabadda wiilku ay tahay Maxamed Liibaan Tahliil Xaaji Aadan ayna burtey sheegashadii Faarax Cawil, iyadoo culimadu ay ugu yeereen labada daraf iyo guud ahaan bulshada gobolka Mudug inay ilaaliyaan nabadda, wadajirka iyo midnimada bulshooyinka gobolkaasi.
Explore more on these topics
