Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad…
25 October, 2026
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xersi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Muddadii uu socdey kulanka labada guddoomiye ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha Baarlamaanka iyo waafajinta xeer-hoosaadyada labada Aqal ee Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo isku-duwidda hawlaha sharci-dejinta iyo habraacyada shaqo ee Baarlamaanka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay dhismaha Guddiga Adeegga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhammaystirka xisaab-xirka miisaaniyadeed ee sannadka 2025, kaas oo loo qorsheeyay in la guda galo akhrintiisa koowaad, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay guddoonka.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, ahna Xoghayaha Guud ee ku-xigeenka Aqalka Sare. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha sharci-dejinta, iyadoo la waafajinayo habraacyada Baarlamaanka iyo Dastuurka cusub.
