Laamaha ammaanka gobolka Nugaal aaya gacanta ku soo dhigay Mowliid Siciid Warsame, oo lagu eedeeyay inuu…
13 October, 2026

Laamaha ammaanka gobolka Nugaal aaya gacanta ku soo dhigay Mowliid Siciid Warsame, oo lagu eedeeyay inuu laba maalmood ka hor dilay saddex qof oo xoogsato ah, halka saddex kalena uu dhaawacay, kaddib dhacdo ka dhacday suuqa magaalada Garowe.
Eedeysanaha ayaa la sheegay in laga soo qabtay deegaanka Carroolay ee gobolka Sool, halkaas oo uu ku dhuumanayay saacadihii ka dambeeyay dhacdada, labo cisho kaddib markii uu weerarka ka geystey Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Dhacdadan ayaa saamaysay lix qof, kuwaas oo saddex ka mid ah ay dhinteen, halka saddexda kale ay dhaawacyo soo gaareen, sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee la tacaalayey dadka ku waxyeeloobey dhacdadaasi.
Ilaa hadda, xogta la helay faahfaahin kama bixin sababta ka dambaysay falka iyo xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacmay, waxaana ehelada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ka dalbadeen laamaha ammaanka in caddaaladda la horgeeyo eedaysanaha.
