Madaxweynaha Puntland Siciid Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo bil iyo bar ku dhaw ku maqnaa safar…
23 October, 2026
Madaxweynaha Puntland Siciid Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo bil iyo bar ku dhaw ku maqnaa safar dalka dibaddiisa ah ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe, inkastoo aysan Madaxtooyadu faahfaahin dheeraad ah ka bixin safarkaasi.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ayaa Puntland ka maqnaa muddo 41 cisho ah intii u dhexaysay 12 Sep ilaa 23 Oct 2026, xilligaasi oo uu isu maray dalalka Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo uu hadda ka soo socdaalayo.
Socdaalka Madaxweyne Deni ayaa ku soo aadaya xilli uu khilaaf xooggan ka taagan yahay arrimaha siyaasadeed, dastuurka iyo doorashooyinka Soomaaliya ayna Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya shaacisay jadwalka doorashooyin qof iyo cod ah oo ay qaadeceen dhinacyada siyaasadda dalka.
Madaxweyne Deni ayaa lafilayaa inuu 25 Oct Magaalada Garoowe ka furo kal-fadhiga golaha wakiilada iyadoo ay Puntland wajahayso caqabado dhaqaale, mushahar la’aan sahqaale iyo roobab khasaare geystey oo ka da’ay qaybo kamid ah gobolada dalka.
