Wasiirkii hore ee haweenka Puntland xilal kala duwanna ka soo qabatay Soomaaliya Caasho Geelle Diiriye, ayaa…
15 October, 2026

Wasiirkii hore ee haweenka Puntland xilal kala duwanna ka soo qabatay Soomaaliya Caasho Geelle Diiriye, ayaa si adag uga hadashay xaaladda Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay saamayn xooggan ku yeesheen biyaha roobka Dayrta oo maalmihii la soo dhaafay siweyn uga hooray gobolka Mudug.
Caash Geelle oo ka soo muuqatay goob ay biyo xooggan dhex jiifaan ayaa sheegtay in bulshada Galkacyo aysan baraarugsanayn isla markaana ay arrintaan iyagu gacmohooda ku sababsadeen maadaama ay biyaha ku xireen xaafadaha iyagoo gooyey waddooyinkii dhistayna goobihii biyo-mareenka ahaa.
Waxa ay sheegtay inaan dowladda iyo cidkale laga sugin inay biyaha qaadaan haseyeeshee ay bulshadu u soo baxdo sidii wax looga qaban lahaa biyaha, iyadoo ka codsatay dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay guryaha ka soo baxaan xoogna lagu furo goobaha dadweynuhu xirteen si magaalada biyuhu uga baxaan.
Explore more on these topics
