Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan ay gelinkii dambe ee shalay magaalada Nairobi…
16 October, 2026

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan ay gelinkii dambe ee shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen inta badan isimada dhaqanka beesha Daarood, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya iyo duruufaha ka jira deegaannada ay isimadu ka soo jeedaan.
Garaad Jaamac ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid is-xogwaraysi ah, isla markaana ay isimadu iska xogwareysteen xaaladaha dalka iyo arrimaha mudnaanta u leh deegaannadooda, wuxuuna sheegay in dhinacyadu isku raaceen hirgelinta arrimo kala duwan oo muhiim u ah bulshada ay matalaan, inkasta oo uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin qodobada lagu heshiiyey.
“Kulanka oo ahaa is-xogwaraysi waxaanu odayaasha iska xogwaraysanay xaaladda guud ee dalka iyo deegaannada aanu odayada dhaqan u nahay, iyada oo la isku raacay hirgelinta arrimo badan oo deegaannada hortebin u leh”, Ayuu ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook.
Isimada dhaqanka ayaa lafilayaa inay dhawaan gaaraan deegaamada Puntland iyagoo magaalada Badhan kaga qayb geli doonaan shir nabadeed oo la qorsheynayo in beelo oodwadaag ah oo uu gogoshiisa dhigay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland.
Kulankaan ayaa yimid xilli uu khilaaf xooggan ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo is-afgarad la’aanta u dhexeysa dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya ayna guddiga doorashooyinka heer federal ku dhawaaqeen doorasho dadweyne.
