Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Galkacyo ee Puntland ayaa siweyn isugu maandhaafay shaqada shirkad gaar…
14 October, 2026
Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Galkacyo ee Puntland ayaa siweyn isugu maandhaafay shaqada shirkad gaar loo leeyahay oo loo xil saaray ururinta dakhliga dowladda hoose, taasi oo uu guddoomiyaha gobolka Mudug soo saaray wareegto shaqada looga joojinayo.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug, ee Puntland Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku dalbaday inay shaqada joojiso shirkadda BAYAAN, oo maamulka Dowladda Hoose ee Gaalkacyo hore ugu xilsaaray ururinta dakhliga degmada ka soo xerooda, isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn.
Dhankiisa Duqa Degmada Gaalkacyo, Xuseen Cabdi Nuur Maxamed, ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka gobolka Mudug ee Puntland uu faragelin ku sameeyay awaamiir sharciyeed oo ay bixisay Dowladda Hoose, isagoo ku doodey in tallaabooyinka maamulka degmada ay ku salaysan yihiin sharciyada iyo waajibaadka u yaalla dowladda hoose.
Go’aamadaan isdiiddan ee ka soo baxay dowladda hoose iyo maamulka gobolka Mudug ayaa ku aadaya xilli ay bulshada Magaalada Galkacyo la daalaadhacayaan saamaynta ka dhalatay raxmadda Dayrta oo maalmihii la soo dhaafay ku hooraysay inta badan deegaamada Puntland.

Explore more on these topics
