Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaliilay dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen, kaddib weerarro isdaba joog ah oo lala…
13 October, 2026
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaliilay dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen, kaddib weerarro isdaba joog ah oo lala beegsaday garoomada diyaaradaha Sacuudi Carabiya, oo ay ku jiraan Garoonka Caalamiga ah ee King Khalid ee caasimadda Riyadh iyo Garoonka King Fahd ee magaalada Dammam, wuxuuna sheegay inay si xun u dhaqmayaan.
Weerarada Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen qaybo kamid ah Magaalooyinka Sucuudiga ayaa siweyn u xoojiyey walaaca laga qabo amniga garoomada iyo duulimaadyada gobolka Sucuudi Carabiya iyadoo Riyadh ay kordhisay hakinta hawlaha Garoonka King Khalid ilaa Sabtida, kadib markii ay geeriyoodeen 18 ruux oo rayid ah.
Dhanka kale, Dowladda UK ayaa shaaca ka qaadday inay tuhunsan tahay in xukuumadda Tehran ay ku lug leedahay weerar la qorsheeyey in lagu beegsado saldhigga ciidamada cirka ee RAF Fairford, ee England.
Ra’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa sheegay in qorshahaasi ay maleegayeen Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC), inkastoo Tehran ay iska fogeysay mas’uuliyadda, taas oo sii xoojin karta xiisadda amni iyo tan diblomaasiyadeed ee u dhexeysa labada dhinac.
