Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay xaaladda ciidamo ka tirsan…
13 October, 2026

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay xaaladda ciidamo ka tirsan milatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Hoggaanka Nabadgelyada deegaanka, Cabdulqaadir Rashiid, ayaa sheegay in ciidamadaasi ay xadka Itoobiya ku soo galeen hab aan waafaqsanayn nidaamka iyo habraacyada sharciga ah aysanna xilligii la qabtay wadan caddeymo ku filan oo lagu xaqiijinayo ujeeddada safarkooda, isla markaana ay ku yimaadeen kooxo kala duwan, taas oo keentay in loo baahdo hubin iyo xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan xaaladdooda.
Hoggaanka ayaa sheegay inay socdaan wada-hadallo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, si xal rasmi ah looga gaaro xaaladda ciidamada, isagoo tilmaamay in dowladuhu leeyihiin hannaan sharci iyo habraacyo diblomaasiyadeed oo lagu maareeyo xaaladaha noocan oo kale ah, isaga oo rajo ka muujiyay in xal laga gaari doono dhawaan.
Dhanka kale, Cabdulqaadir Rashiid ayaa bulshada ugu baaqay inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin iyo xogaha been-abuurka ah ee la xiriira ciidamadaasi, kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in loo gudbiyey Xabsi kuyaal Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.
“Waxaan bulshada la wadaagaynaa xog ku saabsan ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo bilihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Jigjiga, kuwaas oo la sheegay inay fasax ku socdeen, isla markaana xadka Itoobiya ku soo galay hab aan waafaqsanayn nidaamka iyo habraacyada sharciga ah.
Ciidamadaasi ma aysan wadan caddeymo ku filan oo lagu xaqiijinayo ujeeddada safarkooda, waxayna ku yimaadeen kooxo kala duwan, taas oo keentay baahida loo qabo xaqiijin iyo hubin rasmi ah.
Sida la wada ogsoon yahay, dowladuhu waxay leeyihiin hannaan sharci iyo habraacyo diblomaasiyadeed oo lagu maareeyo xaaladaha noocan oo kale ah. Arrintan waxaa socda wadahadallo u dhexeeya labada dowladood, waxaana la filayaa in xal rasmi ah laga gaadho dhawaan”, Ayuu yiri Rashiid.
Explore more on these topics
