Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa digniin ka soo saartay khataraha ka dhalan kara roobabka xooggan ee…
17 October, 2026

Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa digniin ka soo saartay khataraha ka dhalan kara roobabka xooggan ee ka da’aya gobolka Mudug, gaar ahaan waddooyinka isku xira deegaannada Heema iyo Daarusalaam, waxayna hay’addu xustay in roobabku saameyn ku yeesheen gaadiidka isticmaala waddooyinkaasi, iyadoo darawallada looga digay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan marka ay marayaan goobaha roobabku ku badan yihiin.
Bayaan ka soo baxay PHA ayaa lagu sheegay in daadad xooggan ay ka soo rogmadeen Togga Dhoosaali, kuwaas oo biyahoodu si xawli ah ugu socdaan marinnada biyaha ee u dhexeeya Heema iyo Daarusalaam, taasi oo sare u qaadday halista ay wajahayaan gaadiidka isaga kala gudba deegaannadaas, iyadoo roobabka xooggan ee ka da’aya gobolka ay durba saameyn ku yeesheen isu socodka gaadiidka.
Puntland ayaa darawallada kula talisay inaysan isku dayin inay ka gudbaan waddooyinka ay daadadku maraan ama biyuhu ku qulqulayaan, isla markaana ay safarkooda dib u dhigaan ilaa xaaladdu ka nabadgasho. Waxay sidoo kale bulshada iyo dadka safarka ah ugu baaqday inay la socdaan digniinaha la xiriira roobabka, maadaama badbaadada nafta iyo hantida ay mudnaanta koowaad leedahay.

Explore more on these topics
