Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay Kontoroolka Bari ee magaalada Garoowe ku…
14 October, 2026
Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay Kontoroolka Bari ee magaalada Garoowe ku qabtay xaddi khamri ah, gaari lagu waday iyo eedeysane la sheegay inuu watay, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska qaybta booliska gobolka Nugaal.
Eedeysanaha, gaariga iyo khamriga la qabtay ayaa la geeyay Saldhigga Dhexe ee Booliska magaalada Garoowe, halkaas oo lagu soo bandhigay waxyaabaha gacanta lagu dhigay. Goobta waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Booliska Gobolka Nugaal oo uu ka mid ahaa Taliyaha Howlgallada Gobolka, G/le Cabdiyare Juujuule.
Saraakiisha kale ee goobta joogay waxaa ka mid ahaa Taliyaha Saldhigga Dhexe, L/xle Cabdikaabiir Maxamed, iyo Taliyaha Kontoroolka Bari ee Garoowe, X/le Cabdiraxiin Maxamuud Takar, waxayna saraakiishu bogaadiyeen ciidamadii fuliyey howlgalka, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay la dagaallanka ka ganacsiga iyo qaadista khamriga sharci-darrada ah.
Booliska Gobolka Nugaal ayaa sheegay in eedeysanaha iyo waxyaabaha la qabtay loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda si tallaabo sharci ah looga qaado, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalada lagu sugayo amniga magaalada Garoowe iyo ka hortagga falalka sharci-darrada ah.

Explore more on these topics
