Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka qeybgalay xuska maalinta Caalamiga…
18 October, 2026
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka qeybgalay xuska maalinta Caalamiga ah ee “Dhaxalka Nool” oo dal walba uu weyneeyo dhaqankiisa iyo afkiisa, munaasabadaasi oo ay soo wada diyaariyeen Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dhaqanka iyo xarunta dhaqanka Soomaaliyeed ee BICIID oo fadhigeedu yahay Garoowe.
Ujeedka kukanka ayaa ah ilaalinta Dhaxalka Nool, ee dalkeenna oo isugu jira Dhaqanka, Afkeenna, Suugaanta iyo Aqoonta Miyiga. Waxaana munaasabadda lagu soo bandhigay Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka iyo suugaan.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa u mahadceliyay xarunta Dhaqanka ee BICIID sida ay xil isaga saarayaan illaalinta dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka ku boggaadiyey sida ay fursad u siinayaan oo ula shaqeynayaan cidkasta oo door ka qaadanaysa Dhaqankeenna, si jiilalkeenna soo socda ay u guntaan taariikhdii iyo dhaqanka dadkeenna.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka xarunta Dhaqanka ee BICIID, Maamulka Jaamacadda Boosaaso, Xarunta PDRC, Siyaasiyiin hore, qoreyaal, Kooxaha Hidaha iyo dhaqanka, Odeyaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada .
Explore more on these topics
