Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu muhiim ugu arko iskaashiga Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada…
12 October, 2026

Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu muhiim ugu arko iskaashiga Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada dekedaha, ganacsiga iyo marin-badeedka, xilli uu weli taagan yahay muranka diblomaasiyadeed ee la xiriira dadaalka Itoobiya ugu jirto helitaanka marin-biyood caalami ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa wareysi uu siiyey telefishinka Sky News Arabia ku sheegay in Itoobiya ay Somaliland u tahay dal walaal ah iyo saaxiib dhow, taasi oo uu sheegay inay xoojinayso xiriirka labada dhinac iyo iskaashiga dhaqaale ee la xiriira isticmaalka dekedaha iyo marin-badeedka.
Itoobiya waa dal aan lahayn xeeb, waxaana muddooyinkii dambe hoggaankeeda sare si cad uga hadlay baahida uu dalku u qabo marin-badeed uu ku horumariyo ganacsiga caalamiga ah, isla markaana uu ku fududeeyo soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha.
Dekedda Berbera ayaa ah mid ka mid ah kaabayaasha dhaqaale ee ugu muhiimsan Somaliland, taasi oo dhacda xeebta Gacanka Cadmeed, waxaana muhiimaddeeda sii kordhinaya goobta istaraatiijiga ah ee ay kaga beegan tahay marinnada ganacsiga caalamiga ah iyo suuqyada dalalka gobolka.
