Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, gaar ahaan Laanta Nabadgelyada Waddooyinka, ayaa digniin u diray darawallada iyo dhammaan…
13 October, 2026

Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, gaar ahaan Laanta Nabadgelyada Waddooyinka, ayaa digniin u diray darawallada iyo dhammaan dadka isticmaala waddooyinka waaweyn, iyaga oo uga digay khataraha ka dhalan kara safarrada xilliga roobabka Dayrta.
Ciidanka ammaanka Puntland ayaa sheegay biyo-mareennada iyo buundooyinku ay noqon karaan goobo khatar ah marka roobabku da’aan, isla markaana ay bataan qulqulka biyuhu. Waxay xuseen in xaaladahaasi halis gelin karaan nolosha darawallada iyo rakaabka, sidoo kalena sababi karaan khasaare hantiyeed.
Laamaha ammaanka ayaa darawallada kula talisay inaysan isku dayin inay gudbaan togagga ay biyuhu marayaan, maadaama qulqulka biyuhu uu gaadiidka qaadi karo ama uu sababi karo shilal halis ah.
Boolisku wuxuu shacabka kula talinayaa:
* In aan la isku dayin gudbidda togagga ay biyuhu marayaan.
* In la yareeyo xawaaraha, lana ilaaliyo masaafada badbaadada.
* In la raaco talooyinka iyo awaamiirta laamaha amniga waddooyinka.
Explore more on these topics
