Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka sare ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay inaysan xasilooni iyo ammaan…
23 October, 2026

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka sare ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay inaysan xasilooni iyo ammaan ku dareemayn gurigeeda Magaalada Washington, kadib baaritaan ay ku sameeyeen ciidamada federalka ee dalkaasi Maraykanka ayna ka guuri doonto muddooyinka doorashooyinku socdaan.
Sida uu wakaaladda wararka AP u sheegay qof xog ka haya baaritaanka, qaar ka mid ah ehelada xildhibaanadda ayaa la gaarsiiyay amarro ay soo saartay xeerbeegti, kuwaas oo lagu dalbanayo xog ama markhaati la xiriira baaritaanka.
Waraysi ay siisay telefishinka MS NOW ku sheegtay inay ku kalsoon tahay inaysan wax khalad ah samayn, aysanna ka welwelin xaqiiqda ku saabsan falal ay iyadu samaysay, haseyeeshee tallaabooyinka qaar ay muujinayaan beegsi shaqsiyadeed oo lagu hayo ammaankeeda.
Baaritaanka socda iyo go’aanka ay Ilhaan ku sheegtay inay gurigeeda ka guureyso ayaa kusoo beegmaya xilli arrimaha la xiriira ammaanka siyaasiyiinta Mareykanka iyo baaritaannada dukumentiyada socdaalka ay yihiin kuwo xasaasi ah. Si kastaba, faahfaahinta buuxda ee baaritaanka iyo natiijadiisa weli lama shaacin, mana jirto xogta la bixiyay oo muujinaysa in Ilhaan Cumar lagu helay wax dambi ah.
