Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah oo la xiriira arji uu maxkamadda…
20 October, 2026
Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah oo la xiriira arji uu maxkamadda u gudbiyey qareen Sakariye Ismaaciil Nuur, oo wakiil ka ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, sida ku cad qoraalka maxkamadda ee la soo bandhigay.
Qoraalka ayaa sheegaya in dacwadda lagu furay arji summaddiisu tahay E-Som 21/2026, oo ku taariikhaysan 11-kii Oktoobar 2026, iyadoo maxkamaddu ku wargelisey Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka dalbatay inuu ka soo jawaabo arjiga uu soo gudbiyey qareenka Shariif Sheekh Axmed.
Maxkamaddu waxay amartay in Xafiiska Garyaqaanka Guud uu jawaabtiisa keeno Khamiista, 22-ka Oktoobar 2026, saacadda 2:00 duhurnimo, taasi oo muujinaysa in dacwadda loo gudbay marxalad ay maxkamaddu jawaab ka sugayso dhinaca dowladda, inkasta oo qoraalka la helay aanu faahfaahin ka bixin nuxurka buuxa ee cabashada iyo qodobada dastuuriga ah ee lagu muransan yahay.

