Boosaaso-Xukuumadda Puntland ayaa tababar dibadeed oo la xiriira farsamooyinka dagaalka casriga ah iyo adeegsiga diyaaradaha aan…
12 October, 2026
Boosaaso-Xukuumadda Puntland ayaa tababar dibadeed oo la xiriira farsamooyinka dagaalka casriga ah iyo adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones), u dirtay urur gaar ah oo katirsan ciidamada difaaca Puntland.
Ciidamadaan oo ku sugan mid kamid ah dalalka Puntland ka taageera dhaqaalaha, qalabaynta iyo saadka ciidamada ayaa baranaya farsamooyinka kala duwan ee dagaalka casriga ah, noocyada Drones-ka iyo hababka loo adeegsado, adeegsiga qalabka carqaladeeyo isgaarsiinta iyo hagista Drones-ka ee loo yaqaan Jammers-ka iyo nidaamyada Raadaarrada casriga ah.
Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa sheegaya in Puntland ay sannadkan 2026 kordhisay keenista noocyo kala duwan oo Drones ah, kuwaas oo lagu kaydiyo hangarro ku yaalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Puntland ayaa sanadkii 2025 noqotay goobtii ugu horraysay ee gudaha Somalia looga dagaalo drones kadib markii kooxda nabaddiidka ah ee Daacish ay diyaaradaha iswada oo qaraxyo laga soo buuxiyey weerartay ciidamadii ku jirey hawlgalkii Hillaac ee buuraleeyda Calmiskaad, taasi oo maamulka ku khasabtay in la keeno qalabka lagu carqaladeeyo diyaaradaha ayna ciidanku sanadkaan siweyn ugu guuraan adeegsiga droneska.
Explore more on these topics
