Edimar Rocha Martins, oo ah 49 jir u dhashay dalka Brasil ayaa la kulmay xaalad murugo…
19 October, 2026

Edimar Rocha Martins, oo ah 49 jir u dhashay dalka Brasil ayaa la kulmay xaalad murugo leh kadib markii uu iibiyey hantidiisa gaarka ah, una safray masaafo ka badan 1,900 kiiloomitir, isaga oo rajaynayey inuu la kulmo haweeney uu aaminsanaa inay noqon doonto xaaskiisa mustaqbalka.
Ninkan oo ka shaqeeya dhismaha ayaa ka soo safray magaalada Imperatriz ee gobolka Maranhão, wuxuuna ku wajahnaa magaalada Belo Horizonte ee koonfur-bari Brazil, si uu ula kulmo haweeney noqotay riyadiisa mustaqbalka.
Martins ayaa sheegay inuu baraha bulshada kula kulmay muuqaalada haweeney lagu magacaabo Jéssica Oliveira, oo sidoo kale loo yaqaan Jéssica Fazendeira, taasi oo bareheeda bulshada ku soo bandhigi jirtay muuqaalada goob beer ah iyadoo xilligaasi raadinaysay lamaane ay nolosha la wadaagto.
Xogaha Warbaahintu ka daabacday dhacdadaan ayaa tibaaxaya in muuqaaladaasi ay abuureen sawir muujinaya haweeney dhab ah oo diyaar u ah inay lammaaneheeda siiso hoy iyo taageero dhaqaale. Martins, oo la tacaalayey kelinimo kadib geeridii hooyadii, ayaa rajo ka muujiyey inuu halkaas ka heli karo bilow cusub.
Haseyeeshee markii uu iibiyey dhammaan hantidiisa si uu safarka u maalgeliyo, ayuu baska raacay 9-kii Oktoobar 2026, isagoo Belo Horizonte gaaray 11-kii Oktoobar. Hase yeeshee, markii uu magaalada yimid ayuu ku guuldarraystay inuu helo haweeneydii uu u socday.
Martins oo wata sawirrada haweeneyda uu raadinayey ayaa dadka weydiiyey inay garanayaan, balse markii dambe ayuu ogaaday in haweeneyda muuqaalada ku jirtay ay ahayd qof mala-awaal ah oo lagu sameeyey garaad-gacmeed (AI), halkii ay ka ahaan lahayd qof dhab ah oo uu la kulmi karo, wuxuuna xilligaasi caawimaad ka dalbaday adeegyada taageerada dadka safarka ku xayirma ee magaalada, kuwaas oo ka caawiyey hoy, cunto iyo tigidh uu dib ugu safro.
