Wafdi ka socda Wasaaradda gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Puntland ayaa safar qiimeyn ah ku tegay deegaanka…
22 October, 2026
Wafdi ka socda Wasaaradda gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Puntland ayaa safar qiimeyn ah ku tegay deegaanka Jalam ee hoos yimaada degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, halkaas oo roobabkii Dayrta ee dhowaan da’ay ay sababeen daadad saameeyey nolosha dadka deegaanka.
Roobka ayaa burbur gaarsiiyey qaybo ka mid ah xaafadaha ay ku nool yihiin qoysas danyar ah, waxayna sidoo kale jareen waddooyinkii isku xiri jiray xaafadaha, taas oo caqabad ku noqotay isu-socodka gaadiidka iyo isku-xirka bulshada.
Saameynta daadadka ayaa gaartay adeegyada aasaasiga ah iyo nolol-maalmeedka dadka deegaanka, iyadoo ay adkaatay isu-socodka iyo helitaanka adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.
Wasiirka ayaa safarka waxaa ku weheliya koox ka socota hay’adda International Medical Corps (IMC), waxaana ujeeddadu tahay in si dhow loo qiimeeyo xaaladda dadka ay daadadku saameeyeen, lana ogaado baahiyaha degdegga ah ee ka jira deegaanka.

