Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dalka dib ugu…
15 October, 2026
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday, kaddib safarro shaqo oo muhiim ah oo ay ku tageen dalalka Maraykanka iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Safarradan ayaa qayb ka ahaa dedaallada joogtada ah ee uu Madaxweynaha JSL ugu jiro xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, ballaadhinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta danaha istiraatiijiga ah ee uu leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in safarkaani uu fursad u yahay dedaalada lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, laguna kobcinayo danaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee muhiimka u ah Jamhuuriyadda Somaliland.
Explore more on these topics
